DUL-HIJJ Maalinta Arbacada ee nagu soo aadan 22 July 2020 waxaa inoo bilaabaneysa Bisha Dul-Hijjah waxay kamid tahay bilaha sida gaar ka ah ee Xurmada u leh. Ilaahey wuxuu ku dhaartay Tobankaan maalmood, wuxuuna yiri : (وَالفَجرِ وَلَيَالٍ عَشرٍ ) Nabigeena Muxamed SCW wuxuu yiri: ma jiro maalmo uu ilaahey ilaahey ka jecel yahay Acmaal la sameeyo tobanka Maamlmood ee ugu horeysa bisha Dul-Hijjah. Faaidooyinka 10-ka Maalin ee ugu horeyso Bisha Dul-Hijjah. 1) Maalinta 1-aad ee Bisha Dul-Hijjah waa maalintii loo dambi dhaafay Nabi Aadam CS, Qofkii sooma dambiyadiisa oo dhan waa loo dhaafa. 2) Maalinta 2-aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa maalintii la aqbalay ducada Nabi Yoonis CS isla markaasna laga soo bixiyey Caloosha Malaayga, Qofkii sooma waxay ula mid tahay sida isagoo hal sano caabudayey Ilaahey oo aan il Biriqsi ku caasin. 3) Maalinta 3-aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa Maalintii la aqbalay ducadii Nabi Zaka...
Posts
Showing posts from July 21, 2020