Sheeko xikmad wayn xambaarsan
Nin Xikmad badan ayaa wuxuu u yeeray Nin kale oo wuxuu ku yiri jihadaas aad oo Lix saac soco, ka dibna soo noqo oo waxaad soo Aragto ii soo sheeg.
Ninkii sida la Amray ayuu sameeyey oo Dhankii loo diray ayuu aaday, wixii ugu Horeeyey ee uu arko waxey ahaayen isagoo maraaya Afka hore ee Waddo u Dhaxeysa Laba Buurood, ayaa wuxuu ku arkay wax yar oo Dhalaalaaya oo
Wadada dhex yaalla, wixii ayuu Usha ku Dhuftay, Qarax ayaa dhacay Labadii Buurood ayaa is qabsaday, isla markii uu Usha ugu Dhuftayba! dhinac ayuu Uga wareegay oo socodkiisii ayuu sii watay, dabadeed wuxuu arkay Guri Qurux badan, Gurigii ayuu Albaabkiisa Furay, mise Ur ayuu Dareemay wuu u Fiiriyay waxa Gudaha ka soo Uraayo, wuxuu arkay in Saxaro ka buuxdo Guriga, wuu isa soo Xiray socodkii ayuuna sii watay.
Weli Lixdii saac ma dhammaan, oo socodkiisa ayuu sii watay, Dhacdadii Saddexaad ee uu la kulmayna waxay aheyd inuu arkay Rati Gaajo la soo gotay oo Dhex taagan Dhul ilaahey SW, Doog iyo Barqaaqo ku Maneystay, balse aanan Cunayn Naqda iyo Doogga baxay.
Wuu ka sii socday oo misna wuxuu la Kulmay Rati kale oo Fadhiya oo ay Calooshiisii iyo Qeybaha jirkiisa ay iska
Daldalanayaan Dawaco, Dhurwaa, iyo Dhamaan Habar dugaag oo idil, bahaloo dhan danse aan ka lahayn ee iska Daaqaya oo adoogga iska Cunaayo.
Wuu iska sii socday oo ugu Dambayntii wuxuu la kulmay Gabar Qurxoon oo Gadaal gadaal u sii Ordaysa, Gabadhii ayuu daba orday oo wey ka sii Carareysaa, wuuna gaari kari waayay.
Haddaba, Wakhtigii ayaa Dhamaaday ee Lixda saac ahaa, kolkaas ayuu iska soo Laabtay.
wuxuu u yimid Ninkii markii hore diray, wuxuuna u sheegay Waxyaalihii uu soo arkay oo dhan, dabadeed wuxuu ku yiri:- Anaa kuu Fasiraa waxaad soo aragtay bal i Dhageyso:-
1- wixii Dhalaalaayay ee aad Usha ku dhufatay ee Qarxay oo Labadii Buurood iney is qabsadaan sababay waa FITNO, fitnadu marka hore wey Huruddaa markiise la toosiyo Dhib weyn ayaa yimaado iyo Khasaaro.
2- Gurigii Quruxda badnaa ee aad la kulantay Gudahana Saxaradu ka buuxday waa Taariku Salaad (Qof Salaadii ka tagay), waayo Qofka aan Tukanin korka Lebis ayuu Xiran yahay, jirka waa Qurxinayaa oo Dushiisa wuu Qurxin karaa balse Qalbiga waxaa ka buuxa Saxaro, waayo waa Qalbi aan Alle Xusin oo u Sujuudin oo aan Xusuusan.
3- Ratigii Keynta Barwaaqada ah taagnaa balse Qatanaa waa Bakheylka, waayo Bakhaylku Xoolihiisa cidna wax kama siiyo, isna kuma Baahi baxo, oo wuu ka Qatan yahay waana Arrin Dhibkeeda leh .
4- Ratigii Xubnihiisa la iska Cunaayey ee aan Danta ka lahayna waa Deeqsiga, waayo Deeqsiga Xoolihiisa Dadkoo dhan ayaa Cuna dhibna uma arko Naftiisana ugama Bakhaylo, Dadkana ugama Bakhaylo.
5- Gabadhii Gadaal gadaal u Cararaysay, waa Adduunka, waayo Adduunyo weligaa Daba Orod gaari meysid.
(ilaahoow Kheerka siduu ku jiro na Waafaji, yaa Rabbi)

Waa sheeko xikmad leh m.A
ReplyDelete