Sheeko xikmad wayn xambaarsan
Nin Xikmad badan ayaa wuxuu u yeeray Nin kale oo wuxuu ku yiri jihadaas aad oo Lix saac soco, ka dibna soo noqo oo waxaad soo Aragto ii soo sheeg. Ninkii sida la Amray ayuu sameeyey oo Dhankii loo diray ayuu aaday, wixii ugu Horeeyey ee uu arko waxey ahaayen isagoo maraaya Afka hore ee Waddo u Dhaxeysa Laba Buurood, ayaa wuxuu ku arkay wax yar oo Dhalaalaaya oo Wadada dhex yaalla, wixii ayuu Usha ku Dhuftay, Qarax ayaa dhacay Labadii Buurood ayaa is qabsaday, isla markii uu Usha ugu Dhuftayba! dhinac ayuu Uga wareegay oo socodkiisii ayuu sii watay, dabadeed wuxuu arkay Guri Qurux badan, Gurigii ayuu Albaabkiisa Furay, mise Ur ayuu Dareemay wuu u Fiiriyay waxa Gudaha ka soo Uraayo, wuxuu arkay in Saxaro ka buuxdo Guriga, wuu isa soo Xiray socodkii ayuuna sii watay. Weli Lixdii saac ma dhammaan, oo socodkiisa ayuu sii watay, Dhacdadii Saddexaad ee uu la kulmayna waxay aheyd inuu arkay Rati Gaajo la soo gotay oo Dhex taagan Dhul ilaahey SW, Doog iyo Barqaaqo ku Maneystay, bals...

Wan qiiroday hhh
ReplyDelete