Posts

Ibliis hadii naar laga abuuray maxaa naar loogu cadaaba?) Nin dadka murma kamida ayaa usoo galay Imaam Shaafici markaasuu waydiiyey; Imaamoow hadii Ibliis laga abuuray naar maxaa naar loogu cadaabayaa?? Imaam Shaafici intuu fakaray ayuu soo qaatay dhoobo yar markaasuu ninkii ku dhuftay, wuxuuna ku yidhi wax ma ku yeeshay? ninkii wuxuu yidhi; haa. Markaasuu Imaam Shaafici yidhi; maxay wax kuu yeeshay dhoobadu miyaanad adigu dhoobo ahayn?!!:) ninkii intuu fahmay qasdigiisa ayuu dhaqaaqay.
NIN IYO KURTUN (sheeko)  Nin baa isagoo guureynaya goor habeen barkii ah baa wu- xuu arkey wax madow oo uu ka yaabay, markaas buu iska fa- riistay, oo soo jeeday habeenkii oo dhan isagoo moodaaya ba- hal, markaas baa waagii baryey, markaas buu wuxuu yiri ma waxaan ku moodayey mase waxaad noqotay mase waxaan loo noqon doonin, waxaan ku moodaayey bahal, waxaadse noqotay kurtun, waxaanse loo noqon doonin guuro habeen.  Xigasho: xasan yaaquub

Libaax wuxuu deerada uga lib helaa laba lababaynteeda (sheeko)

Xayawaanka deerada ayaa waxaa lagu tilmaamaa xayawaan aad u dheereeya ayadoo jari karta sagaashan kiilo mitir saacadiiba (90KM/hr). Dhanka kale xawaaraha xawayaanka libaaxa ah ayaa waxaa la sheegaa in saacadiiba uu jari karo konton iyo sideed kiilo mitir (58km/hr). Sida muuqato dayradu way ka orod badantahay libaaxa, misana marwalba uu eryado waa uu ugaarsadaa. Hadaba maxay tahay sababtu? Sababtu waa mid iska fudud Maxaa yeelay libaax waa noole naftiisa kalsooni buuxda ku qaba. Halka deeradu aysan laheen kalsooni ku filana, Deerada markii uu libaaxa eryanaayo marwalba waxay eegtaa gadaal ayadoo ka cabsi qabta libaax inuu qabsado taa oo xawaaraheeda yaraynaydo, waxay kala oo ay aaminsantahay inaysan libaax ka baxsa karin Maxaan sheekadaan ka baranaynaa? In aan ku kalsoonaano awoodayna. In aanan ka cabsoonin Marwalba in aan ka dheeraano labalabayta Xigasho xuseen sabriye

Sheeko xikmad wayn xambaarsan

Nin Xikmad badan ayaa wuxuu u yeeray Nin kale oo wuxuu ku yiri jihadaas aad oo Lix saac soco,  ka dibna soo noqo oo waxaad soo Aragto ii soo sheeg. Ninkii sida la Amray ayuu sameeyey oo Dhankii loo diray ayuu aaday, wixii ugu Horeeyey ee uu arko waxey ahaayen isagoo maraaya Afka hore ee Waddo u Dhaxeysa Laba Buurood, ayaa wuxuu ku arkay wax yar oo Dhalaalaaya oo Wadada dhex yaalla, wixii ayuu Usha ku Dhuftay, Qarax ayaa dhacay Labadii Buurood ayaa is qabsaday, isla markii uu Usha ugu Dhuftayba! dhinac ayuu Uga wareegay oo socodkiisii ayuu sii watay, dabadeed wuxuu arkay Guri Qurux badan, Gurigii ayuu Albaabkiisa Furay, mise Ur ayuu Dareemay wuu u Fiiriyay waxa Gudaha ka soo Uraayo, wuxuu arkay in Saxaro ka buuxdo Guriga, wuu isa soo Xiray socodkii ayuuna sii watay. Weli Lixdii saac ma dhammaan, oo socodkiisa ayuu sii watay, Dhacdadii Saddexaad ee uu la kulmayna waxay aheyd inuu arkay Rati Gaajo la soo gotay oo Dhex taagan Dhul ilaahey SW, Doog iyo Barqaaqo ku Maneystay, bals...