Sheeko xikmad I yo qosol leh Wiil yar oo sigaar cabaayo baa oday jidka maraayo canaantay waxuu ku yiri “waryaa tuur sigaarka haddii kale aabahaa ayaan ku sheegaayaa” Wiilki baa ku yiri “ Aabbe haddii aad aragto u sheeg ha noo yimaad labo sano ma arag in uu dhintaa la sheegaayay” Odaygi oo aad u naxay baa si qiireysan ula hadlay wiilkii asigoo maslaxaayo buu weydiiyay “aabbe halkee ku dhintay baad maqasheen?” Wiilkii baa intuu rubac jaad ah la soo baxay oo kala furtay yiri “ Aabbe ma dhiman waa nool yahay ee waxaan hubsanaayay in aad taqaan iyo in kale” laan jaad ah na afkuu gashaday, lolz